Walaalayaal Magcayga waxa la yidhaahdaa Idiris Muxumad Sacad. Waxaan ahay nin ku dhashay Boon. Kuna koray biyihii aftoox , solaygii iyo kidaarkii Boon caanka ku ahayd. Waxaan dhawaan fasax ku tegay waddankii. Waxaan siyaartay caasimadii aniga oo wata
Qolooyin carrab ah oon aabo idhi.
Waxaan arkay daaro qurxoon oo badalay dasooyinkii. Waxaan arkay laydh iftiimaya oo ardaydu kaga nasatay faanuuskii na indha tiray. Waxaan arkay dad daawanaya telefishan iyo filimo. Waxaan xasuustay mar gaadhi filim gidaarka noogu qabtay oo badankayo aan jajabnay annaga oo ka baxsanayna fardihii uu fuushanaa Clint Eastwood.
Waxaan arkay dhallin garoonka kubad ku ciyaaraysa oo gashan garamo iyo kabihii ciyaarta. Annagu waqtigaygii iska illow kabo iyo garan ee kubadda lafteeda iyaa ahayd sharabaad laga buuxshay mara boob… Mar mar iyaa inamada Jabuuti ka yimaadaa la iman jireen kubado rabadh ah. Nasiib darro maxamad daahir oo suul dheeraa iyaa laadka u horeeyaba ku qarxin jiray. Waxaan kaloon arkay Boon oo leh biyo baambadi sido, waxaan ku farxay sida looga raystay dameerihii iyo qarbidkii oo loo dhoofshay tuulooyinka Boon la jaarka ah.
Isbadalka Boon aan ku arkay aad iyuu u fara badnaa halkanna idinku wareerin maayo. Laakiin waxaanan marnaba isbadlin wanaagii iyo isjacaylkii dadka magaalada deggani isku hayay. Waxaan ka xumaaday iyada oo odayadii badankoodu(allah ha u naxariistee) hooydeen. Waxaanse ku farxay dumarkii oo wada labaatan jir ah, inkasta ood moodo inay yara wada gaabteen.
Waxaan ka xumaaday gobalka intiisa kale oo wada leh dugsiyo sare. Ardayda ka baxda dugsiga dhexe ee Boon intooda badan suuqa iyay galaan. Waayo lama hayo awoodii Boorama lagu masruufi lahaa. Haddii xaaskiiba labo caruur ahi uga soo baxdo iskoolka, waxa inta badan reerkii awoodi karaa in qof uun uu diro Borama. Bal u fiirso dhibtaa. Waa adiga oo lagu yidhi kala dooro caruurtaada kii mustaqbal aad u samaynayso iyo kii aad suuqa ku sii daynayso. Waa arrin aad u dhib leh. Taas iyaa haysata waalidiinta reer Boon.
Waxay reer Boon i weydiisteen inaan ka caawiyo, ulana hadlo caruurtooda qurbaha joogta sidii dugsi sare loogu dhisi lahaa. Hawshaas aniga oo ilaahay la kaashanaya, kaslooni buuxdana idinku qabo dusha iyaan ku soo qaaday. Waxaan jecelahay inaan hawshaas wada qabano.
Baahida Reer Boon iskoolka kaliya maaha ee arrimuhu way fara badan yihiin. Waxaan jecelahay inaan jimciyad samaysano aan bal marka hore isku barano. Mar labaadna aan
Kaga hadalo sidii aan dadkeena wax ugu qaban lahayn. Waxa kale oon idinku dhiiri galinayaa inaad Boon soo dhisataan. ( ha noqoto Studio) oo fasaxyadana caruurta aad keentaan. Ha noqoto meeshii aan fasaxyada ku kulmi lahayn. Waxaan ogahay inay caruurtiinu jeclaanayaan ( ma hubo dumarkiina).
Aan Boon ka dhigno magaalo aan ku faano
Idiris M Saad
Idris@othmanhabib.com
Wednesday, August 29, 2007
Wednesday, April 18, 2007
Mashruuca Dhisida dugsiga sare ee Boon
Salamu Alaykum,
Dhamaantiiba waxaan idin ogaysiinayaa in bloggan aan u samaynay mashruuc ay u jeedadiisu tahay in loo dhiso dugsi sare magaalada Boon ee gobalka Awdal. Runahaantiiba sida aad dhamaantiin ogtihiin Magaalada Boon waa magaalooyinka ugu magaca dheer gobalka Awdal. Dadkeeduna uu yahay mid aad isugu duuban oo wax wada qabsada.
Hadaba waxaa maanta xaqiiq ah in magaaladeenii ay ku sugan tahay xaalad aad u hoosaysa dhinaca mustaqbalka waxbarashada iyo magaalanimadaba. Taas oo ay sabab u tahay in magaalooyinka ku dhowdhow Boon, sida quljeed iyo Xariiradba Laga furay dugsiyo sare. Waxayna taasi ku kalifi doontaa ardaydeena inay waxbarashada dugsiga sare u tagaan midkamida magaalooyinkan. Taas oo iyadna keeni doontaa in Magaaladeena laga guuro oo mardhow aan hoosnimaadno la inagana xakumo magaalooyinkaas.
Qoraal uu ka qoray, HARAWA.COM, xaalada ay ku sugantahay magaalada boon ayaa waxuu ku faahfaahiyay in magaalada Boon ay dhigtaan dugsigeeda Hoose/Dhexe arday dhan ilaa 200. Kuwaasna intooda nasiibkaleh ee awoodikarta ay dugsi sare u tagaan magaalad Boorama ama magaalooyin kaleba, Intooda kalena ay halkaas kaga hadhaan. Qoraalkaas oo sii faafaahiyay in Magaalada boon ay ka diiwaan gashan tahay wasaarada arimaha gudaha dagmo ahaan loogu balan qaaday sanadkii 2004tii. Wuxuuna ku soo gabagabeeyay in Magaalad boon ka sugayso dadkeeda ku maqan qurbaha in ay baahiyaha jira ka soo kaalmeeyaan.
Hadab Mashruucaas oo ah mid hada ku jira xaaladihii ugu horeeyay ayaa waxaan aad ugu han waynahay in dhamaan dadka reer Boon ah meelkastoo ay joogaanba ay si qalbi furan uga qayb gali doonaan. Mashuuracani waa wid iskaa wax u qabsadii ay magaaladeenu ku caan baxday aan ku fulin doono. Sidaas darteed waxaan idinka codsanaynaa dhamaantiinba inaan ka qayb qaadataan.
Waxaan mashruucan u furi doonaa Account number (Dahabshiil) si qofkastaa wuxuu awoodi karo ugu soo shubo Halkaas. Waxaan Blogan idiin soo galin doonaa dhamaan wixii la xidhiidha mashruucaas, sida uskuulka la dhisi doono (Boarding, Day) idinkoo halkan fikradiina ka dhiibanaaya, kharashka ku bixi doono, IWM. Waxaa kalood halkan kala socon doontaa cidkasta oo ka qayb qaadatay, sida ay uga qayb qaateen iyo wixii caawima na soo gaadhayba.
Waxaan dhamaantiiba idinka idinbka codsanaynaa inaad Blogan hore usii gudhbisaan kuna darsataan fikradiina idinka oo comments ku qori kara blogan, ama email ii soo diri kara anigaa ku dari doona fikradiina.
Mahadsanidiin
Faisal Muhumed Saad
faisal.m.saad@gmail.com

Subscribe to:
Posts (Atom)