Salamu Alaykum,
Dhamaantiiba waxaan idin ogaysiinayaa in bloggan aan u samaynay mashruuc ay u jeedadiisu tahay in loo dhiso dugsi sare magaalada Boon ee gobalka Awdal. Runahaantiiba sida aad dhamaantiin ogtihiin Magaalada Boon waa magaalooyinka ugu magaca dheer gobalka Awdal. Dadkeeduna uu yahay mid aad isugu duuban oo wax wada qabsada.
Hadaba waxaa maanta xaqiiq ah in magaaladeenii ay ku sugan tahay xaalad aad u hoosaysa dhinaca mustaqbalka waxbarashada iyo magaalanimadaba. Taas oo ay sabab u tahay in magaalooyinka ku dhowdhow Boon, sida quljeed iyo Xariiradba Laga furay dugsiyo sare. Waxayna taasi ku kalifi doontaa ardaydeena inay waxbarashada dugsiga sare u tagaan midkamida magaalooyinkan. Taas oo iyadna keeni doontaa in Magaaladeena laga guuro oo mardhow aan hoosnimaadno la inagana xakumo magaalooyinkaas.
Qoraal uu ka qoray, HARAWA.COM, xaalada ay ku sugantahay magaalada boon ayaa waxuu ku faahfaahiyay in magaalada Boon ay dhigtaan dugsigeeda Hoose/Dhexe arday dhan ilaa 200. Kuwaasna intooda nasiibkaleh ee awoodikarta ay dugsi sare u tagaan magaalad Boorama ama magaalooyin kaleba, Intooda kalena ay halkaas kaga hadhaan. Qoraalkaas oo sii faafaahiyay in Magaalada boon ay ka diiwaan gashan tahay wasaarada arimaha gudaha dagmo ahaan loogu balan qaaday sanadkii 2004tii. Wuxuuna ku soo gabagabeeyay in Magaalad boon ka sugayso dadkeeda ku maqan qurbaha in ay baahiyaha jira ka soo kaalmeeyaan.
Hadab Mashruucaas oo ah mid hada ku jira xaaladihii ugu horeeyay ayaa waxaan aad ugu han waynahay in dhamaan dadka reer Boon ah meelkastoo ay joogaanba ay si qalbi furan uga qayb gali doonaan. Mashuuracani waa wid iskaa wax u qabsadii ay magaaladeenu ku caan baxday aan ku fulin doono. Sidaas darteed waxaan idinka codsanaynaa dhamaantiinba inaan ka qayb qaadataan.
Waxaan mashruucan u furi doonaa Account number (Dahabshiil) si qofkastaa wuxuu awoodi karo ugu soo shubo Halkaas. Waxaan Blogan idiin soo galin doonaa dhamaan wixii la xidhiidha mashruucaas, sida uskuulka la dhisi doono (Boarding, Day) idinkoo halkan fikradiina ka dhiibanaaya, kharashka ku bixi doono, IWM. Waxaa kalood halkan kala socon doontaa cidkasta oo ka qayb qaadatay, sida ay uga qayb qaateen iyo wixii caawima na soo gaadhayba.
Waxaan dhamaantiiba idinka idinbka codsanaynaa inaad Blogan hore usii gudhbisaan kuna darsataan fikradiina idinka oo comments ku qori kara blogan, ama email ii soo diri kara anigaa ku dari doona fikradiina.
Mahadsanidiin
Faisal Muhumed Saad
faisal.m.saad@gmail.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
10 comments:
Idris iyo Faysal iyo walaalahayga kale ee reer Boona. Waxan idiin soo gudbinayaa salaan kali iyo laab ah. ALLAHA IDIN BARAKEEYO
Aad iyo aad iyo waliba itaal ayaan ugu farxay dadaalka ad ugu jirtiin dhismaha dugsi sare oo Boon yeelato. Wixii itaalkayga ahana waan idinku taageerayaa, hiil iyo hooba
GARABKIINA ALLAHA GALO
Abdiqani Ateyeh
London
Salaan dhammaantiin.
Idiris aad ayuu ugu mahadsan yahay bilowga arrintani uu ku soo bandhigay website-ka Harowo.
Muddo dhawayd oo aan isla soo qaadnay arrintani Xasan Muse Subagle iyo Maxamed Geddi Qayaad ayaa waxaa uu Xasan Muuse soo diray warbixin yar oo ku saabsan baahida loo qabo Dugsi sare.
Waxaanan markaasi ku heshiinay in ay dugsiga dhismihiisa soo dhisaan qurbo joogta reer Boon iyo cidkasta oo danaynaysa wax u qabadka ubadka Soomaaliyeed ee Europe, lacagta macalimmiintana ay soo bixiyaa qurbo joogta reer boon ee Maraykanka, Canada iyo cidkasta oo danaynaysa wax u qabadka ubadkeenna soomaaliyeed.
Waxa kale oo arrintani si aad ah u danaynaya Cumar Shimbir oo jooga carriga Maraykanka waa sida uu ii sheegay Mohamed Geddi.
Hayaanka wannaagsan halka ka sii wada, wixii kaalmo ah xagayga diyaar ayaan la ahay intii aan dad gaadhsiin karona waan u baaq diri haddii Allaha awoodda lihi idmay.
Suleiman Geddi.
Huuno waxad yeeshiin; horta markii iigu danbaysay Boon, maba jirin qof bidaar lihi. !!
Maantana waakaasoo, adduun wuu is badalay oo saleebaan Geedi Qayaadna wuxu noqday reer Boon.!!!!
Waan ku salaamay Suleymaan.
Ateyeh
Abdiqani iyo suleyman gedi, waad ku mahadsantihiin commentska aad ku qorteen halkan. Waxaad tihiin labada qof ee kaliya ee halkan fikrad ku qoray. Dadka kale malaha maysan fahmin in halkan ay wax ku qori karaan. Waxaanse idinka codsanayaa inaad emailadiina aad ii soo gudbisaan si wixii wara aad idiinla soo socodsiiyo. wixii reerboon ah eed emailo ka haysaana ii soo gudbiya. emailkaygu waa faisal.m.saad@hotmail.com
Alaa mahadleh
Faisal M saad
NABAD IYO CAANO AYNU KU CIIDNO.
Dhammaantiin Reer Boon meel kasta oo ad ku nooshihiinba, waxan idin leehay, kuwada ciida caafimaadsan.
FAYSAL: innoo sammee website buuxa oo Boon leedahay. Dadkeenu farta waaweynbay wax ku fahmaane. Inoona fura Account loogu soo rido lacagta qaadhaanka Dugsiga sare ee Boon.
Salaamu calaykum dhammaantiinba.
Marka hore waxa farxad ii ah,in aan helo meel aynu fikiradeheena isku dhaafsano iyo salamaha waxanan uga mahad-celinaya mudane c/qani yuusuf caateye oo dedaalkiisii hirgaliyay inoona fududeey inaynu bolgan iskuwaydraasano afkaareheena haddaynu nahay reer Boon,midda kale waxan walaalaha ilmo muxumed ee soo bandhiagy fikiradda ku aaddan in boon yelato dugsi sare ku soo dhawaynaynaa si farxadi ku dheehan tahay,waxan anigu rumaysan ahay in hindasaha uu keeno muhandisku geesiyaashuna ay fulintiisa leeyihiin sidaas aawaded ayaan rajaynayaa in xariiqa u horreeya si deg-deg aj loo dhaqaajo loona hir-geliyo mashruucan aynu ku taammayno,innaga oo waqtigan xaadirka ah ka madax-banaan degmadii boorama ee xuurtada innagu haysatay tani(hawshan)dhaqajinteeduna ay ka mid tahay shuruudaha degmo ee looga fadhi reer Boon,haddaba waxan soo jeedin lahaa in hadalka iyo qoralada lgu beddelo ficil maadaama dadkeenu ay ka simany ihin taas una heellan yihiin helitaan dusgi sare oy Boon yeelato,haddaba maxaa innaƶla gudboon oynu samaynaa?waxay ila tahay ani in marka hore la helo cid le bilowga hawsha oo dhaqajisa si inta kale ugu soo hirato,waxanan anigu diyaar u ahay ka qayb-qaadashadeeda maskax iyo maalba.
waad Mahadsan tihiin
Alle ha inna guuleeyo
Siciid Cali sharmaarke
This is great info to know.
Salaamu calaykum walaaleyaal,farxad bay ii tahay in dugsigi sare ee Boon hirgalay,lakiin dhibtu waxa weeyi wali ma hayno meel aan ugu hagaagno qoraladana waxa ugu danbeeyay kayga oo ku beegan Abrill sannadkan sii dhacaya,
Faysal walaal E-mailkaygu waa kan hoos ku taxan
siciid_cali@hotmail.com
habSoriTrolla
[url=http://healthplusrx.com/red-panax-ginseng-extractum]red panax ginseng extractum[/url]
FafDenDarceft
Concern Fresh Wind offers a construction investment for different tariff plans. Recently, many, survivors overcame the recent financial crisis, more began to wonder in which businesses invest money . According to conclusions of many of the leading the best analysts, one of the most investing money in building. Everyone knows that the construction of less exposed to the risk of falling prices, in addition , property has always enjoyed , and will be in demand. Even the economic crisis did not recaptured removed the desire for people to buy their own property. Therefore, investment in construction will always remain relevant and profitable.
Fwit Fresh Wind Investment: [url=https://fwit.biz]investment in construction[/url]
Post a Comment